30.1 C
Hargeisa
Monday, August 10, 2026
HomeSomalilandMadaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray qoys 5 qof kaga geeriyoodeen dab...

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray qoys 5 qof kaga geeriyoodeen dab qabsaday

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda iyo ka Shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo iyo murugo weyn leh u dirayaa Ehelada Qoyska, Qaraabada, Asxaabtii iyo guud ahaanba Shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen Allah ha u naxariistee shan ruux oo isku qoys ah, Marxuumadda Faysa Axmed Cismaan iyo Istaahil Axmed Cismaan iyo Saddex carruur ah, kuwaas oo ku naf waayey masiibo dab ah oo ka kacday hoygoodii ku yaallay Xaafadda 150-ka ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha waxa uu murugada si dareen leh ula qayb-sanayaa Qoyska iyo Ehelada ay ka baxeen, isaga oo Allah SWT uga baryayaa in Marxuumiinta uu u naxariisto oo ka waraabiyo Jannatul Firdowsa Aclaa, Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxeena uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here