22.3 C
Hargeisa
Thursday, May 14, 2026
HomeSomalilandIsraa'iil oo beenisay in falastiiniyiin la dejinayo Somaliland

Israa’iil oo beenisay in falastiiniyiin la dejinayo Somaliland

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar, ayaa sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland aanu qayb ka ahayn in dadka reer Falastiin ee Marinka Gaza ku nool loo raro dhulka Somaliland.

Wasiirka oo xalay waraysinsiiyay telefishinka Channel 14 ee dalka Israa’iil laga leeyahay waxa uu yidhi; “Kuma jirto heshiiska u dhaxeeya Israa’iil iyo Somaliland wax la xidhiidha in dadka Qasa la geeyo Somaliland.”

Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa meesha ka saaraya eedaymo ay qaar ka mid ah madaxda dalalka Carabta iyo Soomaaliya ku doodayeen oo ah in Somaliland ay aqoonsiga Israa’iil dhaafsatay in reer Gaza loo soo raro.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here