Itoobiya waxa ay wajehday culayskii ugu weynaa ee diblumaasiyadeed oo keeni kara in uu saamayn ku yeesho dhaqaalaha iyo amniga dalkaasi.
Masar ayaa samaysatay isbahaysi ka kooban Sucuudiga , Qadar, Turkiga , Erateeriya iyo Soomaaliya, kuwaasoo diidan in Itoobiya ay ka faa’iidaysato biyo-xidheenkeeda Abaay , isla markaana ay hesho marin baddeed, waxaana ay Masar kaashanaysaa Donald Trump oo takoor xun ku haya Itoobiya.
Xukuumada Addis Ababa ayaa ku jirta go’adoon siyaasadeed, waxaana ay ku dhiiran laadahay illaa hadda in ay ku biirto xulafado Israa’iil , Somaliland iyo Imaaraadka oo diidan saamaynta isbahaysiga sharka.






