Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay Israa’iil waxa uu abuuray loolano xoogan oo u dhexeeya xulafada sharka ee diidan aqoonsiga Somaliland oo taageeraya dawladda aan Iskeed isku maamulin ee Muqdisho iyo xulafo taageersan aqoonsiga Somaliland.
1. Xulafada taageersan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland:
Somaliland waxay taageero ka haysataa Israa’iil oo aqoonsan iyo saaxiibada xulafada la ah Israa’iil oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Hindiya, Marooko, Baxrayn, Taiwan iyo xulafo kale oo caalami ah.
2. Xulafada Soomaaliya.
Soomaaliya waxa taageeraya Turkiga, Shiinaha, Sucuudiga, Masar, Qatar, Jabuuti, Pakistan iyo dalal kale oo Carab ah.
Haddaba, xulafada Somaliland iyo xulafada Soomaaliya midkee saamayn ku leh oo qancin kara dunida kale ee aamusan?






