Saddexda hoggaamiye ee dalalka Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Ruushka ayaa mid walba dalkiisa xukumayey muddo gaadhaysa 14 sanno, halka Madaxweynaha Ruushka ay u dheer tahay 5 shanno uu Ra’iisal-wasaare ahaa.
Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iran Cali Khamanei ayaa isna xilka hayey 37 sanno iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu isna xilka hayey muddo 27 sanno ah.
Dalalka reer Galbeedka ee uu Maraykanku hormuudka u yahay ayaa dalalkan ku tilmaama qaar aan dimurqaadi ahayn, isla markaana aanay ka dhicin doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Haddaba, tan iyo intii ka dambaysay hawlgalkii Maraykanku gacanta ugu soo dhigay Madaxweynihii Venesuela Nikolas Madura, ayaa waxa Madaxweyne Donald Trump ka soo baxayey hanjabaado uu u dirayo dalalka aan dimuqraadiga ahayn ee madaxoodu ku raagtay xukunka.
Haddaba, hoggaamiyeyaashan kuma ayaad is leedahay si toos ah ayey ugu socotaa fariinta Maraykanku ee mari doona jidkii Nikolas Maduro?






