Shirweynahan maalgelinta caafimaadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si si rasmi ah maanta uga furmaya magaalada Hargeysa, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah (24 ilaa 25 November 2025.
Shirwaynahan oo ay ka qaybgelayaan daneeyahaasha bahda caafimaadka, Wasaaradaha arrimaha dhaqaalaha qaabilsan, dawladaha hoose, shirkadaha gaarka ah, maalqabeennada Somaliland, Hay’adaha caalamiga iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxa muddada uu socdo lagu falanqayn doonaa sidii maalgashi loogu heli lahaa adeegyada caafimaadka, maadaama oo inta badan deeqihii caalamiga ahaa ee dunidu istaageen, dawladaha waaweyn ee duniduna ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wadamada soo koraya.






