Mareykanka ayaa soo bandhigay qorshe meesha lagaga saarayo ciidamada dawladda milatariga ah ee Sudan, iyada oo aan la soo hadal qaadin kuwa fallaagada RSF.
Ergayga Mareykanka u qaabilsan Sudan Massad Boulos , ayaa qorshahan u gudbiyey wadamada Sucuudiga, Masar iyo Imaaraadka oo ka shaqaynaya soo afjarida colaada Sudan. Hogaamiyaha maamulka fadhigiisu yahay magaalada Port Sudan General Cabdifatax Al- Burhaan , ayaa ka soo horjeestay arrintan kuna tilmaamay wax aan suuragal ahayn.






