Culimada Qur’aanka dhiga ee madaariista Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay Magaaladaas, iyaga oo sheegay inay ka hoo horjeedaan Xukun lagu riday mid kamid ah macalimiinta Quraanka ka dhiga Magaaladaasi.
Macalimiintu waxa ay sheegeen in jiraan dhacdooyin dacaayado ah oo macalimiinta ka dhan ah oo ay ku jiraan eedeymo fara-xumeyn ah.






