26 C
Hargeisa
Tuesday, April 21, 2026
HomeWararkaCabsida laga qabo weerar uu Maraykanku ku qaado Venezuela oo sii xoogeysatay.

Cabsida laga qabo weerar uu Maraykanku ku qaado Venezuela oo sii xoogeysatay.

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Adduunka ayaa joojiyey duulimaadyadii ay ku tegi jireen dalka Venezuela, kadib markii ay Dawladda Maraykanku shirkadaha diyaaradaha uga digtay inay ka feejignaadaan hawada sare ee dalkaasi, iyadoo laga cabsi qabo weerar ay ciidamada Maraykanku ka fuliyaan gudaha dalka Venezuela.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in Maraykanku uu diyaarinayo hawlgal millatari oo sir ah oo lagu qaado goobo istaraatiiji ah oo ku yaala gudaha Venezuela, waxayna wararku sheegaan in Maraykanku uu qorsheeyey inuu xukunka ka tuuro Madaxweyne Nicolas Maduro oo dalka Venezuela soo maamulayey ilaa sannadkii 2013.

Maraykanka ayaa ciidamo xoogan geeyey goobaha u dhaw xuduudaha dalka Venezuela, iyadoo xeebaha dalkaasina ay ku dhaw yihiin Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku, waxaana laga cabsi qabaa in xili kasta uu bilaabmo dagaal ka dhan ah dawladda Venezuela oo uu Maraykanku fuliyo.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here