Hal qof ayaa ku dhintay dab ballaadhan oo ka kacay in ka badan 170 dhismo oo ku yaalla magaalo-xeebeedda koonfureed ee dalka Japan, gaar ahaan degmada Saganoseki ee magaalada Oita.
Dabka oo lagu sheegay kii ugu baaxadda weynaa ee Japan ka dhaca muddo ku dhow nus qarni, ayaa weli ka holcaya deegaanka buuraleyda ah, iyadoo ay socoto hawlgal ballaadhan oo ay wadaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee milateriga iyo gaadiidka dab-damiska gudaha dalkaas.
Muuqaallo hawada laga qaaday oo ay baahiyeen warfidiyeennada ku sugan goobta ayaa muujinaya guryo badan oo isu beddelay burbur iyo qiiq cirka isku shareeraya. Deegaanka Saganoseki oo ku dhaw deked caan ku ah kalluunka mackerel-ka ee sumadda Seki, ayaa hadda u muuqda mid gebi ahaanba uu saameeyay dabku.






