“Dadku macaanka way qarsadaan oo marka qofka uu ku dhaco ee laga helo wuu qarsadaa. Ta kale waxa aynu aaminsanahay dawooyin kale oo dhaqan oo lagu dawayn karaa inay jiraan, wayna jiraan oo waa la isticmaali karaa laakiin waa in aad dhakhtar la tashatid oo mar walba aad is hubisid.
Waxa kaloo aynu aaminsanahay in qaadku daawo ka yahay macaanka oo dhiig-karka uu dejiyo. Rag badan ayaa ku leh marka aan qaadka cuno dhiig-karkaygu hoos ayuu u dhacaa oo macaankaygu hoos buu u dhacaa. Maalin dhawayn nin ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi macaankayga ayaa dhacsan. Waxaan ku idhi dhakhtar tag oo dawo qaado, wuxuuna igu yidhi marka qaadka cuno macaankaygu waa caadi oo dib isuguma arko, markaa qaad ma kuu doonaa ayaan ku idhi macaanku ha kaaba baxee.
Markaa taasina waa aragti aan dhab ahayn oo aan loo baahnayn.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.






