19.1 C
Hargeisa
Thursday, October 8, 2026
HomeFalanqayn"Rag baa aaminsan in qaadku dawo ka yahay macaanka iyo dhiig-karka" Wasiirka...

“Rag baa aaminsan in qaadku dawo ka yahay macaanka iyo dhiig-karka” Wasiirka Caafimaadka JSL

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

“Dadku macaanka way qarsadaan oo marka qofka uu ku dhaco ee laga helo wuu qarsadaa. Ta kale waxa aynu aaminsanahay dawooyin kale oo dhaqan oo lagu dawayn karaa inay jiraan, wayna jiraan oo waa la isticmaali karaa laakiin waa in aad dhakhtar la tashatid oo mar walba aad is hubisid.

Waxa kaloo aynu aaminsanahay in qaadku daawo ka yahay macaanka oo dhiig-karka uu dejiyo. Rag badan ayaa ku leh marka aan qaadka cuno dhiig-karkaygu hoos ayuu u dhacaa oo macaankaygu hoos buu u dhacaa. Maalin dhawayn nin ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi macaankayga ayaa dhacsan. Waxaan ku idhi dhakhtar tag oo dawo qaado, wuxuuna igu yidhi marka qaadka cuno macaankaygu waa caadi oo dib isuguma arko, markaa qaad ma kuu doonaa ayaan ku idhi macaanku ha kaaba baxee.

Markaa taasina waa aragti aan dhab ahayn oo aan loo baahnayn.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here