Dawladda Venezuela, ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhoola-tus millatari oo ay ciidamada Badda Maraykanku ku samaynayaan Jasiirrada Trinidad and Tobago ee xadka la wadaagta dalkaasi Venezuela, tababarkaasi oo socon doona muddo shan maalmood ah, isla markaana bilaabay Axadda.
Ciidammada Badda Maraykanka oo hubkooda iyo qalabkooda millatarigu u dhan yahay ayaa la geeyey dalka Tiriidad and Tobago oo ah waddan yar oo jasiiro ah oo u dhaw Venezuela, waxaana gaadiidka dagaalka ee halkaasi la geeyey ka mid ah maraakiibka waaweyn ee dagaalka, kuna qalabaysan gantaalada la hago iyo kuwa diyaaradaha dagaalka xambaara.
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, ayaa sheegay in dhoolatuskaasi millatari uu yahay daandaansi dagaal oo ka dhan ah waddankiisa, isagoo sidoo kale arrrintaasi ku tilmaamay fal masuuliyad-darro ah oo uu ku kacayo Madaxweyne Donald Trump oo isagu bixiyey amarka dhoolatuska ah.






