“Kiisaskii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay waxa ka mid ah kiiska AGA la yidhaahdo oo nin u dhashay Shiinaha iyo dad muwaadin dalka u dhashay ayaana ku lug lahaa, muddo 7 bilood ah ayuu socday oo ilaa $2,700,000 doollar ayaa dalka lagaga dhacay, wuxuuna saameeyey dad ka badan 130 qof oo muwaadiniin ah ayuu saameeyey oo lacagtaasi laga dhacay.
Runtii tallaabooyinka aanu qaadnay waxa ka mid ah in dabogal ballaadhan aanu ku samaynay oo akawnadii la dhex mariyey qaar la xannibay, ninkii Chinese-ka ahaa uu xidhan yahay. Ninkii dambiilaha ugu weyn ahaana uu dalka ka baxsaday oo uu Kenya galay, Akawno Soomaaliya ah, telefoono Soomaaliya iyo Puntland ahna uu adeegsaday, lacagtiina uu Kenya u wareejiyey, waxaanan kiiskaas kala xidhiidhnay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Shiinaha iyo Kenya la xidhiidhay, baadhistiina meel fiican ayey maraysaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi.



