24.4 C
Hargeisa
Tuesday, April 21, 2026
HomeFalanqaynMaxay ujeedada kormeerkii Shaqo ee uu Madaxweynaha Somaliland Maanta  Ku Tegay Xarunta...

Maxay ujeedada kormeerkii Shaqo ee uu Madaxweynaha Somaliland Maanta  Ku Tegay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka hormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka  iyo wacyigelinta, waxana halkaas kusoo dhaweeyey madaxda wasaaradda oo uu hoggaaminayo wasiir Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa booqashadiisa kusoo indho indheeyey qaybaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay, goobaha warqabadka, xarumaha Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka iyo dhammaanba xafiisyada kala duwan ee ay ka socoto shaqada wasaaraddu, waxana uu warbixinno ka dhegaystay madaxda qaabilsan waaxaha uu kormeeray.

Madaxweynuhu waxa u kuur galay hannaanka ay u shaqeeyaan waaxyaha wasaaraddu, isaga oo markii dambena kulan gaar ah la qaatay shaqaale weynaha wasaaradda oo ay hormuud u yihiin wasiirka warfaafinta iyo madaxda kale ee wasaaraddu.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso iyo kaalinta ay shaqaale weynuhu ku leeyihiin in bulshada wacyigeeda kor loo qaado.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta kula dardaarmay inay dedaalkooda kor u qaadaan, difaaca qarannimadana waqti badan geliyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo madaxdoodaba uga mahadceliyey shaqada ballaadhan ee ay bulshada u hayaan, waxana uu ku dheeraaday Barnaamijyada waxtarka leh ee ay Idaacadda iyo Telefishanka qaranka laga sii daayo oo ku tilmaamay kuwo garaadka bulshada dhisaya, aqoon iyo waayo-aragnimona ku dhisan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu ka madaxweyne ahaan u hagar baxayo wax kasta oo wasaaraddu ku horumarayso,” ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here