26.5 C
Hargeisa
Tuesday, May 19, 2026
HomeFalanqayn Madaxweyne Muuse Biixi oo Wareegto Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis ah maanta soo saaray

 Madaxweyne Muuse Biixi oo Wareegto Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis ah maanta soo saaray

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilalkii kaga qaaday qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku macaabay masuuliyiin cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdirisaaq Maxamed Siciid Gees,

        Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2. Ku: Maxamed Cali Axmed;

        Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland 

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkey iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilkii hore ee dalka Ethiopia, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga.

2. In Cumar Cali Cabdillaahi Bade laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya,” ayaa lagu yidhi wareegtada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here