24.4 C
Hargeisa
Friday, June 12, 2026
HomeFalanqaynSomaliland oo ka Hadashay Dekedda Saylac ee ay dawladda Itoobiya danaynayso

Somaliland oo ka Hadashay Dekedda Saylac ee ay dawladda Itoobiya danaynayso

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa sheegay in magaalada Saylac ee ku taala xeebaha galbeedka Somaliland ay tahay degaan ka mid ah dhulka Somaliland.

Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo maanta qoraal kooban ku faafiyey Barta X, horena loo odhan jiray Twitterka, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ay tahay cidda qudha ee go’aan ka gaadhi karta in cid ama dal kale lagula shuraakoobo dekedda Saylac ee galbeedka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee PP Party Aadan Faarax iyo isagoo ah Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ay ka soo wada jeedaan bulshada degaan ahaan ku fidsan Saylac ee dalka Somaliland, Jabuuti iyo ilaa Itoobiya.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in sidoo kale dekedda Berbera ay tahay deked u adeegta dalka Itoobiya.

Hadalkan Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa ku soo beegmaya xili uu dhawaan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed soo bandhigay damaca uu dalka Itoobiya ku doonayo inuu deked ka helo badda Cas, isagoo magacaabay dekedaha ay doonayaan oo ay ka mid tahay dekedda Saylac iyo dekedo kale oo ku yaala Jabuuti iyo Eritariya, iyadoo sidoo kale ay dawladda Eritariyana maanta si cad u sheegtay in aanay deked iyo wax bad ah u haynin dalka Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland si cad oo la mid ah mawqifka Eritariya uma soo bandhigin go’aanka ay Somaliland ka qaadanayso damaca dawladda Itoobiya, balse waxa uu wasiirku caddeeyey in Dawladda Somaliland tahay cidda qudha ee ay ka go’do inay masiirka dekedda Saylac iyo waxa laga yeelayaba.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here