21 C
Hargeisa
Wednesday, June 10, 2026
HomeFalanqaynMadaxweynaha Kenya oo Safiir Cusub u soo Magacaabay Somaliland

Madaxweynaha Kenya oo Safiir Cusub u soo Magacaabay Somaliland

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa digreeto uu shalay soo saaray waxa uu magacaabis iyo isku shaandhayn ballaadhan ku sameeyey Golaha Xukuumaddiisa, iyadoo wareegtadan cusub lagu magacaabay Wasiirro, safiiro iyo madax kale oo badan.

Dadka wareegtadan lagu magacaabay waxa ka mid ah 31 safiir oo dalka Kenya uga wakiil noqonaya dalalka caalamka, waxaana safiirada uu Madaxweynaha Kenya magacaabay ku jira safiiro loo soo kala magacaabay dalalka Soomaaliya, Somaliland iyo Jabuuti, waxaana Somaliland loo magacaabay Ambassador Cabdiweli Muxumed Xuseen, iyadoo  safiirka Soomaaliya ee Kenya loo magacaabay Ambassador Kiringo Kumbai, halka dalka Jabuutina loo magacaabay Ambassador George Macgoye.

Isku shaandhayntan ballaadhan iyo magacaabista uu maanta sameeyey Madaxweyne William Ruto waxa ma dhex muuqda safiirka dawladda Kenya u qaabilsan Somaliland, kaasi oo fadhigiisu noqon doono caasimadda Hargeysa, iyadoo ay tallaabadani noqonayso markii u horaysay ee ay Kenya safiir u soo magacawdo Somaliland, iyadoo uu wakiil xafiiseed   uu Kenya hore ugu joogay Hargeysa, balse hadda lagu beddelay Ambassador Cabdiweli Muxumed Xuseen, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya noqon doona safiirka Somaliland u jooga Kenya.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili uu dhawaan Madaxweynaha Kenya uu khudbadiisii uu ka jeediyey shirkii Qaramada Midoobay ku soo qaatay wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here