26.5 C
Hargeisa
Tuesday, May 19, 2026
HomeFalanqaynGolaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa fadhigoodii maanta ee ay ku yeesheen Magaaalda Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen hinse-sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo xeer-nidaamiyaha xuquuqda bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay fadhigaas Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo u qornaa sidan; “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xidhiidha amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaadhayaan dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab,” ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here