Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Turkiga Ali Yerlikaya ayaa sheegay in hawlgalo ay sameeyeen hay’adaha kala duwan ee ammaanka ee dalkiisu ay ku soo xidhxidheen in ka badan kun qof oo lagu soo qabtay hawlgalo ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen 64 gobol oo ka mid ah 81 gobol ee uu dalkaasi ka kooban yahay.
Sida ay maanta faafiyey wakaalada wararka Turkigu, Wasiirka Daakhiliga ee dalkaasi ayaa sheegay in ciidanka Booliska oo kaashanaya hay’adaha kale ee ammaanku ay hawlgalo ballaadhan oo nabadgelyada la xidhiidha ay ka wadaan degaannada kala duwan ee dalka Turkiga, iyadoo la sheegay in hawlgalkaasi lagu soo qabtay in ka badan 928 qof oo lagu helay inay sifo sharci-darro ah u haysteen hub aan sharci ahayn, halka sidoo kale la xidhay 90 qof oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin Ururka ay Kuurdiyiintu leeyihiin ee PKK, kaas oo sheegtay masuuliyadda weerarkii qaraxa ahaa ee toddobaadkan ka dhacay caasimadda Turkiga.
Hawlgalada ammaanka la xidhiidha ee laga sameeyey Turkiga waxa la sheegay inay ka qaybqaateen 13,400 oo askari, kuwaas oo ka mid ah ciidamada ammaanka iyo booliska ee sida gaarka ah u tababaran, waxayna ku guulaysteen inay xabsiyada dhigaan in ka badan kun qof oo isugu jira dad hub sharci-darro ah haysta iyo xubno kale oo badan oo la tuhunsan yahay inay ka mid yihiin ama taageeraan kooxda Kuurdiyiinta ee PKK, iyadoo ay ciidamadu sheegeen inay hawlgalkaasi sii wadayaan muddooyinka soo socda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in hawlgaladaasi lagu qabtay hub badan oo sharci-darro ah oo lagu dhex haystay gudaha dalkaas, kaas oo la sheegay inuu halis ku ahaa ammaanka iyo xasiloonida guud ee dalka Turkiga, waxa kaloo ay dawladda Turkigu tilmaantay in la xoojiyey dabagalka iyo ururinta xogaha la xidhiidha taageerayaasha iyo xubnaha Ururka PKK oo ay dawladda Turkigu u aqoonsan tahay Urur Argagixiso oo doonaya inuu dhibaatooyin ka abuuro gudaha dalka Turkiga.
Geesta kale, millatariga Turkiga ayaa wixii ka dambeeyey weerarkii maalintii Axadda ka dhacay magaalada Ankara waxay weeraro iyo duqaymo ka fuliyeen goobaha fadhiisimaha u ah dagaalyahannada PKK oo ay ka mid yihiin xarumo ku yaala gudaha dalka Ciraaq, halka sidoo kale ay ciidamada Turkigu weerareen goobaha ay dagaalyahannada PKK kaga sugan yihiin xuduudaha Turkiga iyo Suuriya.
Weerarkii qaraxa ayaa ee lagu qaaday caasimadda Turkiga, isla markaana ay sheegatay jabhadda PKK, kaasoo ay ku dhaawacmeen laba sarkaal oo ka mid ah ciidamada booliska Turkigu, waxa si xoogan u cambaareeyey dawladaha Maraykanka, Midawga Yurub, Bariga dhexe iyo inta badan dalalka caalamka.
Jabhadda PKK oo ah Urur u dagaalamaya xoraynta qoomiyadda Kuurdiyiinta ayaa tobanaankii sanno ee la soo dhaafay dagaal kula jirtay dawladda Turkiga, iyadoo Turkiguna uu ururkaasi u aqoonsan yahay mid argagisixo, waxaanna dagaaladaas muddadaas dheer socday ku dhintey tobanaan kun oo qof, iyadoo uu dagaalka PKK iyo Turkiguna soo socday ilaa sannadkii 1984.







