Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo ka qeyb qaadaneysay dhoolatuska NATO ayaa ku burburtay dalka Norway, waxaana ku dhintay dhammaan afar askari oo Maraykan ahaa oo saarnaa.
Afartan qof ayaa ka qayb qaadanayay dhoolatuska millatari ee ka jawaab celinta qaboobaha oo ay ka qayb qaadanayaan 30,000 oo askari oo ka kala socda NATO iyo dalalka saaxiibka la ah. Ilaa 200 oo diyaaradood iyo ilaa 50 markab ayaa ka qayb qaadanaya dhoolatuska, kuwaas oo socon doona ilaa 1-da April.
Ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa mar sii horeysay xaqiijiyay in diyaarada MV-22B Osprey ay burburtay intii lagu guda jiray dhoolatuska, waxaanay sheegeen in mas’uuliyiinta madaniga ah ee Norway ay hormuud u ahaayeen dadaallada goobidda iyo samatabbixinta.
“Waa murugo weyn in aan helnay fariinta sheegaya in afar askari oo Mareykan ah ay ku dhinteen shil diyaaradeed xalay,” Ra’iisul wasaaraha Norway Jonas Gahr Store ayaa sidaas ku sheegay Twitter-ka Sabtidii.
Diyaarada ayaa la sheegay in la waayay fiidnimadii jimcaha ee koonfurta magaalada Bodo ee waqooyiga Norway.
Jawaabta dhoolla-tuska xilliga Qabow 2022 waxay ujeedadeedu tahay in la tijaabiyo sida Norway ay u maareyso xoojinta isbahaysiga ee ciiddeeda haddii ay dhacdo in qodobka difaaca ee NATO uu kiciyo.
WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV






