21.8 C
Hargeisa
Thursday, October 8, 2026
HomeFalanqaynMaraykanka oo dadkii u qabtay 48 saacadood inay uga baxaan Yukrayn, iyo...

Maraykanka oo dadkii u qabtay 48 saacadood inay uga baxaan Yukrayn, iyo cabsida weerarka Ruushka oo xoogaysatay.

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img
Aqalka cad ee dalka Maraykanka, ayaa ka walaacsan weerar uu Ruushku ku qaado Yukrayn, waxaanu muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha dalkaasi ugu baaqay, inay uga baxaan dalkaasi, muddo 48 saacadood ah.
Lataliyaha ammaanka qaranka madaxwayne Biden, waxaa uu sheegay inay hayaan caddaymo ku filan oo muujinaya in Ruushku weerarayo Ukrayn, inkasta oo aanay garanayn wakhtiga rasmi ahaan ay noqon karto.
Dawladda Ruushku hore ayay u beenisay wararkaasi, waxaanay ku tilmaamtay waxba kama jiraan. Ruushka, ayaa dalbanayay qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen dhanka ammaanku, sida inaanay Yukrayn ku biirin xulafada reer galbeedka ee NATO.
Maraykanka iyo xulafadiisa galbeedka, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin jawaab adag oo ay ka bixiyaan haddii uu Ruushku uu weeraro Yukrayn, inkasta oo aan illaa hadda si wanaagsan loo ogayn halka xaaladdu ku dambayn karto, haddana waxaa si wayn isha loogu hayaa dagaal ka qarxa qaaradda Yurub.
Maxay kula tahay adiga?
WARARKII UGU DAMBEEYAY, KALA SOCO SAAB TV.
spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here