Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku qaladanaa damaciisii ahaa inuu ku hor istaago guushii Joe Biden ee doorashadii Maraykanka ka dhacday sannadkii 2020, kadib markii uu Trump sheegay in lagaga shubtay doorashadaasi.
Mr. Pence ayaa ka hadlay arrintani, xilli uu ku sugnaa gobolka Florida, waxaana xusid mudan in shan qof ay ku dhinteen rabshado ka dhacay dalkaasi Maraykanka kadib doorashada, kuwaasi oo uu ku jiray askari booliska Maryakanka ka tirsan.
WARARKII UGU DAMBEEYAY, KALA SOCO SAAB TV.






