22.3 C
Hargeisa
Thursday, May 14, 2026
HomeFalanqaynTalyaaniga oo ka hortagaya inuu cudurka Coronavirus ku fido qaaradda Yurub.

Talyaaniga oo ka hortagaya inuu cudurka Coronavirus ku fido qaaradda Yurub.

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Dawladda Talayaaniga ayaa qaadday tallaabooyin ay ku damacsan tahay inay ku xakamayso faafista cudurka Corona, oo ka dillaacay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, kaasoo soo gaadhay dalka Talyaaniga.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga, ayaa waxa ay ka walaacsan yihiin in kiisaska cudurkan ee lagu arkay gobollada Lombardy iyo Veneto ay dhaafeen qaabkii lagu go’doomin lahaa, taas oo adkaynaysa bay yidhaahdeen xaaladda.

Dawladda Talyaaniga ayaa joojisay dhammaan isku imaatinnadii waawaynaa ee ka dhici lahaa magaalooyinka cudurka laga soo sheegay, iyadoo dadwaynaha lagu wargeliyay inay guryahooda joogaan si loo xakameeyo cudurka.

Raysal-wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte, ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka uu asiibay cudurkan Corona gudaha Talaayinga ay gaadhayso 79 qof iyadoo mar hore u geeryoodeen laba qof oo muwaadiniin talyaani ahaa.

Raysal-wasaare Conte, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in aan habayaraatee la ogolayn cid ka baxda ama soo gasha meelaha cudurka lagu sheegay, iyadoo ciddii jabisana sharciga lala tiigsan doono.

Ku dhawaad 2,500 oo qof ayaa u dhintay cudurkan dalka Shiinaha, halka tirada uu asiibayna ay cagacagaynayaan 76,000 oo qof xilli uu ururka caafimaadk adduunku ka werwersan yahay inuu Fayraskani gaadho dalalka adeeggooda caafimaad liito.

 

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here