19.3 C
Hargeisa
Saturday, February 14, 2026
HomeFalanqaynXuduudka Maraykanka iyo Miksiko oo laga helay godkii ugu dheeraa abid ee...

Xuduudka Maraykanka iyo Miksiko oo laga helay godkii ugu dheeraa abid ee daroogada laga dusin jiray

Date:

Related stories

spot_imgspot_img

Saraakiil katirsan kooxaha roondeeya xuduudka Maraykanka iyo dalka Miksiko oo Maraykan ah ayaa sheegay inay heleen godkii ugu dheeraa abid kaasoo kasoo bilaabmaya magaalada wershadleyda ah ee Tijuana ee dalka Miksiko kuna dhamaada magaalada San diego ee dalka Mareykanka .

Godkan, ayaa ballac ahaan dhan 4,309ft, isagoo leh koronto, wiish, iyo meelo ay hawadu kasoo gasho. 

Illaa imika saraakiisha Ameerikaanku may sheegin cidda qodday godkan, mana jirto cid loo qabtay, balse waa wax caadi ka ah in la helo godod isku xidha Maraykanka iyo Miksiko, kuwaas oo si kootarabaan ahaan ah mukhaadaraadka loogu geliyo Maraykanka.

Mareykanka, ayaa koox reer Miksiko ah oo ku lug leh ka ganacsiga sharci darrada ee daroogada ku tilmaamay kooxaha ugu weyn dunida ee ka ganacsada daroogada, kuwaas oo ka howlgala deegaannadaas.

Kooxdan, ayaa waxaa hoggaamiye u ahaa Joaquin “El Chapo” kaas oo xabsi oo xabsi kuyaalla Maraykanka xabsi daa’in ugu jira.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

 

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here