26.5 C
Hargeisa
Tuesday, May 19, 2026
HomeFalanqaynSaylici oo daah-furay mashruuc ay Somaliland hore u diiday

Saylici oo daah-furay mashruuc ay Somaliland hore u diiday

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku daah-furay mashruuc lagu horumarinayo magaalada xeebta ku taala ee Berbera.

Mashruuca ayuu maal galinayaa Midawga Yurub waxaana munaasibadda daah-furka ka qayb galay ergeyga Midawg Yurub ee Soomaaliya, Nicholas Berlanga.

Mashruucan oo loo bixiyay Berbera Urban Development ayay dawladda Somaliland hore u diiday, balse waxa aqbalay maayirka magaalada Berbera oo u socdaalay xafiiska Midawga Yurub ee magaalada Nairobi, maantana waxa si ramsi ah u daah furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Saylici.

Dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa hore u kala saxeexday mashruuc ballaadhan oo kan Berbera uu hoos tagayo, kaas oo laga fulinayo magaalooyin dhawr ah oo ku yaala Soomaaliya.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here