21.7 C
Hargeisa
Monday, April 20, 2026
HomeFalanqaynHaayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maantoo Khamiis ah qorshaynaysa inay ku...

Haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maantoo Khamiis ah qorshaynaysa inay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad oo caalami ah iyo in kale cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Haayadda caafimaadka adduunka, ee marka magaceeda lasoo gaabiyo layidhaa WHO ayaa toddobaadkii tagay sheegtay in dillaaca cudurka Coronavirus aanu gaadhin heer lagu qayaxi karo xaalad caafimaad oo caalami ah, balse illaa hadda tirada kiiskaska la qaxiijiyey ayaa cagacagaynaysa 7,711 kiis oo ay kamid yihin 1,700 oo kiis oo cusub oo la shaaciyey maalintii arbacada ahayd ee shalay.

Madaxa ururka caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay go’aamin doonaan haddii ay ku dhawaaqayaan xaalad caafimaad oo deg deg ah oo caalami ah iyo in kale, xaaladdaas caafimaad ayaa ah mid ku saabsan faafitaanka cudurka Coronavirus, kaasoo ka dillaacay dalka Shiinaha dilayna 170 qof. 

Madaxa ururka caafimaadka adduunku waxa uu sheegay in 99% kiisaska cudurkan laga xaqiijiyay dalka Shiinaha, halka inta soo hadhayna lagu arkay 15 dal oo kuyaal adduunka. 

Cudurkan, ayaa ka dillaacay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee dalkaasi Shiinaha, halkaas oo dalal badan oo adduunka kuyaallaa ay dadkooda kala baxayaan, dalalka Maryakanka iyo Japan ayaa iyagu mar horeba kasoo daad gureeyay dadkooda halkaasi, halka dalalka Australia, New Zealand, France, Russia iyo dalal kale ayaa ku dhawaaqeen maalintii Arbacadii shalay qorshe ay kusoo daad guraynayaan muwaadiniintooda ka jooga magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here