23.3 C
Hargeisa
Wednesday, July 15, 2026
HomeFalanqaynHantida oo cimri-dherer keenta, daraasad cusub

Hantida oo cimri-dherer keenta, daraasad cusub

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Daraasad cusub oo ay samaysay jaamacadda University College London ee waddanka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dadka lacagtaa haystaa ay ka cimri dheeryihiin kuwa faqiirka ah, marka la eego arimo badan oo sabab u ah.

Jaamacadda oo daraasadda ku samaysay dad gaadhaya 25,000 oo qof, da’dooduna ka wayntahay 50-sanno, ayaa ogaatay in jeebkoodu uu liito ay u nugul yihiin xanuunada iyo laxaadka oo uu qofku qayb waayo.

Dadka hantida badan leh ayay daraasaddu ogaatay in jaaniska uu xanuun ula noolaan karaa ay yartahay, maadaama uu heli karo daawaynta uu u baahanyahay oo dhan, halka qofka faqiirka ahna ay suurtagal tahay in uu u geeriyoodo daryeel-la’aan caafimaad.

Celcelis ahaan waxa la qiyaasay in 10-sanno ay suurtagal tahay in uu u dhaxeeyo cimriga qofka hantida badan leh iyo kan aan waxba haysan.

Arintan ayaa daaha ka faydaysa sinnaan-la’aanta helida adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah, taas oo aduunyadu ay hadda la dagaalamayso.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here