23.3 C
Hargeisa
Wednesday, July 15, 2026
HomeCiyaarahaBarcelona oo Valverde shaqada ka eriday

Barcelona oo Valverde shaqada ka eriday

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Kooxda Barcelona ee ka dheesha horyaalka waddanka Isbaanishka ayaa shaqada ka fadhiisisay macalinkii naadiga, Ernesto Valverde, oo in muddo ah laylinayay kooxda.

Tababare Valverde oo 55-jir ah, wuxuu kooxda Barcelona u qaaday laba koob oo horyaalka Isbaanishka ah laba sanno oo xidhiidh ah, balse wuxuu ku guul-darraystay in uu kooxda gaadhsiiyo kulanka ugu danbeeya ee horyaalka Yurub loona yaqaano Champions League.

Barcelona waxay magacawday tababare cusub oo naadigu yeelanayo. Quique Setien, oo hore macalin ugu ahaa kooxda Real Betis ayaa loo dhiibay hoggaanka naadiga, xili ay kooxdu safka hore kaga jirto kala-horaynta horyaalka Isbaanishka, balse ay rabto in ay qaado horyaalka Yurub.

Setien, oo 61-jir ah, ayaa kooxdiisa hore ee Real Betis ka caawiyay in ay markii ugu horeysay muddo 14-sanno ka badan ku dhammaysato dhibcihii ugu wanaagsanaa.

Shaqada ugu muhiimsan ee imika u taalaa, waa in uu kooxda u qaado horyaalka Yurub.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here