24.4 C
Hargeisa
Tuesday, April 21, 2026
HomeFalanqaynXukuumadda Farmaajo oo Malaysia ka dacweysay C.Cabdishakuur

Xukuumadda Farmaajo oo Malaysia ka dacweysay C.Cabdishakuur

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa booliska waddanka Malaysia u sheegtay in ay joojiyaan kulan uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur la lahaa ardayda iyo dadka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha waddanka Malaysia.

Warqadda oo kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kuala Lumpur ayaa lagu xusay in ‘Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga mamnuucay qaar badan oo ka mid ah wadamada Islaamka, kadib khudbad muran dhalisay oo uu Jarmalka ka jeediyay.’ Warqadda ayaa sidoo kale lagu xusay ‘in siyaasiga Fatwo lagasoo saaray lagu sheegay in uu faafinayo dacaayado ka dhan ah Islaamka.’

Mr. Warsame oo hogaamiya xisbiga WADAJIR ayaa cambaareeyay tallaabada xukuumadda Muqdisho oo uu sheegay ‘in ay baal marsantahay diblomaasiyadda.’
Siyaasiga ayaa si adag u dhaliila xukuumadda madaxweyne Farmaajo.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dawladda federaalka oo la xidhiidha arintan.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here