29.7 C
Hargeisa
Sunday, March 15, 2026
HomeFalanqaynCiraaq oo ka cabsi qabta inuu Maraykanku cunaqabatayn saaro, xilli ay baarlamaanka...

Ciraaq oo ka cabsi qabta inuu Maraykanku cunaqabatayn saaro, xilli ay baarlamaanka dalkaasi u codeeyeen inay ciidamada Maraykanku ka baxaan Ciraaq

Date:

Related stories

spot_imgspot_img

Masuuliyiinta dalka Ciraaq ayaa cabsi wayn ka qaba cuna-qabatayn uu saaro Maraykanku taasoo ay ku sheegeen inay u keeni doonto burbur-dhaqaale oo saamayn wayn ku yeesha dhaqaalaha dalkaas.

Saraakiisha dalkaasi, ayaa sheegay inuu Maraykanku ugu hanjabay xanibaadda akoon bangi oo ku yaalla Mareykanka, kaasoo dawladda Ciraaq ay dhigato lacagta kasoo xaroota iibka saliidda oo ah oo miisaaniyadda dawladda ka aha 90%.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumpm ayaa ka cadhooday qaraar shantii bishan kasoo baxay baarlamanka Ciraaq, qaraarkaas, ayaa ku baaqay in ciidamada Mareykanku Ciraaq ka baxaan.

Madaxwayne Trump, ayaa hore ugu hanjabay haddii ciidamada Maraykanka la waydiisto inay baxaan ay Ciraaq saari doonaan ‘’cunaqabatayn aanay weligood arag’’.

Saraakiil katirsan dawladda Ciraaqiyiinta, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Maraykanku farriin toos ah soo gaadhsiiyay xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cadul Mahdi.

Xisaabta bangi amaba Akoonka Ciraaq uga furan Bankiga Federalka Mareykankam ayaa la sameeyey sannadkii 2003, kadib markii Mareykanku talada ka tuureen madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein.

Qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ee kaasoo tirsigiisu ahaa 1483, ayaa lagu qaaday cunaqabteyntii la saaray Ciraq markii ay qabsatay Kuwait, qaraarkaas ayaa dhigaya in dhammaan dakhliga kasoo xarooda saliidda Ciraaq la dhigo akoonkaas ku yaalla Mareykanka.

Dalka Ciraaq waa dalka labaad ee ugu saliid soo saarista badan ururka OPEC, taasoo dhaqaalaha guud ee dalkaasna ka ah 90% , dhaqaalaha saliidda kasoo xarooda ayaa dhan 112 bilyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

Qaar kamid ah saraakiisha Ciraaqiyiinta ayaa sheegay in haddii la xannibo akoonkan ay noqon doonto burburkii Ciraaq.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

 

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here