22 C
Hargeisa
Monday, April 20, 2026
HomeSuugaantaSaamaynta Cunaqabataynta Maraykanka ee uu Iiraan saarayaa wax saamayn ah maku leedahay...

Saamaynta Cunaqabataynta Maraykanka ee uu Iiraan saarayaa wax saamayn ah maku leedahay dalkaas?

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Maalintii ugu dambaysay sannadkii 2019-ka, madaxwaynaha dalka Iiran Xasan Rooxaani, ayaa sheegay in wareegyo is xigxiga oo cunaqabatayn ah taasoo uu Maraykanku saaray Iiran, ay jamhuuriyadda Iiraan ee Islaamiga ah uga kacday $100 bn oo dakhligii saliidda kasoo xaroon jiray ah iyo $100 bn oo ahayd lacag maalgashi ah.

Khudbad Telefishanka laga baahiyay oo uu kala hadlayay qaranka, ayuu ugu yeedhay wax uu ku tilmaamay ‘’dagaal dhaqaale’’.

Xasan Rooxaani, ayaa ku eedeeyay inuu ciqaabaha maaliyadeed ee uu saaray uu rabo inuu ku waxyeelleeyo dhinacyada saliidda iyo bangiyada dalkaas. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Maxamed Javad Sarrif

Inkasta oo ay Iiraan Maraykanka la murmayso, haddana waxaan sinaba loo dafiri karin in cunaqabatayna Maraykanku saaray dalkaas ku yeelatay saamayn ba’an, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Maxamed Javad Sarif, ayaa warbaahinta adduunka hore ugu sheegay saamaynta cuna-qabataynta Maraykanka, isagoo xusay inay xitaa saamayn ku yeelatay daawooyinkii, cuntooyinkii iyo baahiyaha daruuriga u ah nolosha dadka Iiraaniyiinta.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here