Labada kooxood ee ka wada dhisan magaalada caasimadd ah ee London ee waddanka Ingiriiska ayaa Axadda maanta kulan adagi uu ku dhex mari doonaa gegeda Emirates ee kooxda Arsenal.
Ciyaarta ayaa bilaabmi doonta saacadda Bariga Afrika marka ay ku beegantahay 5-ta gabalbnimo.
Labada macalin ee Arteta iyo Lampard oo ciyaartooyo hore ahaan jiray ayaa markii ugu horeysay isku wajahi doona ciyaartan oo aad loo wada sugayo.
Waa ciyaartii ugu horeysay ee macalinka Arteta oo dhawaan la wareegay tababarka kooxda Arsenal uu ku hogaamiyo kooxdiisa gegeda Emirates.
Kooxda Arsenal ayay u badantahay in ay garoonka kusoo galaan shaxda 4-2-3-1 halka kooxda Chelsea-na ay u badantahay in ay kusoo gasho 3-4-3.
Ciyaaryahanada weerarka afka hore ee kooxda Arsenal ayaa weerar aan kala-go’ lahayn ku qaadi doona daafaca Chelsea sida ay u badantahay, halka kooxda Chelsea-na ay samayn doonto weerar-celin degdeg ah.






