29.9 C
Hargeisa
Thursday, May 14, 2026
HomeFalanqaynErdogan oo Ka Jawaabay Caga Juglayn uga Timid Maraykenka.

Erdogan oo Ka Jawaabay Caga Juglayn uga Timid Maraykenka.

Date:

Related stories

Shacabka Somaliland oo loogu baaqay in ay soo sheegaan bilashada bisha Shuwaal

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ilaa...

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka

Xukuumada Somaliland ayaa qiime Cayiman u goysay Shidaalka ,iyada...

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa wajahaya Cadaadis culus,waxaana loogu baaqay...

Roobab Xooggan oo Rogay Noloshii Mozambique: Kumannaan La Samatabixiyey

Fatahaadan ayaa ah tii ugu darnayd ee dalkaasi soo...
spot_imgspot_img

Madaxweynah Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in aanu marnaba dalkiisu ka laaban doonin heshiiska uu la galay dalka Ruushka oo dhigaya in Turkiga laga iibiyo gantaalda difaaca ee S-400 loo yaqaano, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ankara ay u badan tahay in ay iibsato gantaallo cusub oo lidka difaaca ah.

Dawladda maraykanka aya dalka Turkiga uga digtay in uu iiibsado gantaaladaas, isagoo ugu hanjabay in uu curyaamin doono dhaqaalaha Turkiga, balse maamulka madaxweyne erdogan ayaan dheg u dhigin dignIinta Maraykenka.

Mar uu waraysi siinayay talafishan laga leeyahay dalka turkiga ayuu erdogan tibaaxay in maraykanka anaay ahayn in dalkiisa uu ugu hanjabo wax aanu xaq ugu lahayn, Isagoo adkeeyay heshiiska dhexmaray xukuumaddisa iyo dawladda ruushka.

Xukuumadda washington ayaa hore u sheegtay in hadii Tukigu uu iibsado gantaaladaas uu carqalaadnayo heshiis u yaala ururka NATO oo turkiguna uu xubin ka yahay, iyadoo todobaadkana dib u eegis ku samaynaysay ganacsiga u dhexeeya wadamada Maraykenka iyo Turkiga.

Inkasta oo ,Maraykanku uu hub ka iibiyo dalka Turkga Hadana, tallaabda maamulka Trump ayaa u muuqda kuwo uu kagasoo horjeedo iibsashada hub lagu farsameeyay Gudaha Waddanka ay sida wayn u xafiiltamaan ee Ruushka.

spot_img

Subscribe

- Never miss a story with notifications

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here